Madaxweyne Xasan Oo La La Kulmay Raisalwasaaraha Talyaaniga “SAWIRRO”

0

roma7Roma(AGGM)Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdiga balaaran ee la socda ayaa maanta kulan saacado qaatay R/wasaaraha dalka Talyaaniga Enrico Letta.

Ka hor kulanka ayaa R/wasaaraha Talyaanig Enrico Letta oo albaabka hore ee xafiiska ku sugayey Madaxweynaha jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya waxa ay salaan sharaf si wada jir ah ka qaateen ciidamada Qalabka sida, iyada oo kooxda baandada muusikadana ay halkaasi ku garaaceen astaamaha labada dal.

Intaasi ka dib Madaxweynaha jamhuuriyada  Federalka ah ee Soomaaiya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  iyo R/wasaaraha Talyaaniga Enrico Letta  ayaa  ayaa u gudbay qolka shirka, waxaana jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya  kulankan ku wehlinayey  R/wasaare Xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada marwo Fowxiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane  C/xakiin Faqi, Wasiirka Qorseynta iyo maaliyada Mudane maxamuud Xasna Suleymaan Wasiirudowlaha  Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Faarax C/qaadir, Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Danjir Muuse Xasan, iyo Madax kale.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo R/wasaate Letta ayaa kulankooda  kaga wada hadlay doorka dowlada Talyaaniga ee ku aadan arimaha Soomaaliya,  iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal., kulankaasi gaarka ah ka dib ayaa waxaa  ay madaxweynaha iyo R/wasaaraha wada qabteen shir jaraaid oo ay ku faahfaahiyeen kulankooda.

Ugu horeyn R/wasaaraha Dalka Talyaanig  ayaa sheegay in farxad gaar ah  oo taariikhi ah ay u tahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku casuumo  Roma, waxa uuna sheegay in ay ka wada hadleen qodobo dhowr, hase yeeshee waxa uu ku celceliyey  in Dowladda Talyaaniga ay  door muuqda ka cayaari doonto   dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya   Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa isagana sheegay in uu ku faraxsan san yahay  sida qiimaha badan leh ee uu R/wasaaraha Talyaaniga ugu muujiyey  taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Italay  iyo Soomaaliya  ay ka dhaxeyso xiriir taariikh aad u fog sidaasi daraadeed waxa uu madaxweyne Xasan  sheegay iskaashiga iyo taageerada Dowlada Talyaaniga in ay si weyn kaga duwan tahay taageerada Dowladaha  kale.

Madaxweynaja hamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya oo iyo Wafdiga Balaaran ee uu hogaaminayo  oo shalay soo gaaray magaalada Roma ayaa shalay waxa uu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga, waxa uuna sidoo kale booqday Jaamacada  Roma isaga oo halkaasina ka jeediyey khudbad aad u qiimo badneyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

roma1roma2roma3roma4roma7roma7roma8roma9