Dowladda Itoobiya Oo Sheegtay In Si Ka Duwan Sidii Hore Ay Ula Macaamili Doonto Dowladda Soomaaliya.

0

Dr. Tedros Adhanom GhebreyesusBrussels (AGGM): Dowladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisey in ay dooneyso nabad waarta oo Soomaaliya laga helo, waxana hadalkani lagu faafiyey wakaalad wararka u faafisa Itoobiya, iyadoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in si ka duwan sidii hore ay hadda ula macaamili-doonto dalka Soomaaliya iyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo Addis Ababa kula kulmay  madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo sii maray magaalada Addis ababa markii uu u socday shirka dalka Belgium shalay ugu soo gabagaboobay  Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa sheegey in Itoobiya ay ka shaqaynayso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd xal waara oo horseeda nabad iyo xasilooni.

Ma sheegin wasiirku qaabka ay soomaaliya u taageerayaan,hase ahaatee waxaa wali itoobiya ka jooga gudaha dalka soomaaliya ciidamo aad u badan kuwaas oo ay dowladda soomaaliya sheegto inay ka taageerayaan la dagaalanka xarakada alshabaab oo dagaal kala soo horjeeda ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda soomaaliya

Itoobiya ayaa dhawaan ka shaqaysay heshiis dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo u dhaxeeyey muran aad u xooggan,waxayna sidoo kale ku yaboohday inay wadahadalsiineyso dowladda soomaaliya iyo maamulka puntland oo ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com