Dhageyso: Mid Ka Mid Ah Kuwa U Adeega Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Qiray In Xasuuq K Dhacay Magaalada Kismaayo.

0

top-newsKismaayo: Xili todobaadyadii la soo dhaafay ay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka socdeen dilal qorsheysan, kufis iyo Xarig loo geesanayo dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa arrintaasi waxaa qirtay mid kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo markiisi hore ahaa qurbojoog ku noolaa dalka Denmark.

Raashiid Cabdi Gurraa oo ka mid ah kuwa u adeega maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa sheegay in maleeshiyadooda ay dhibaato ka geeysteen gudaha magaalada Kismaayo, balse Rashiid waxa uu dafiray in weerar gaar ah in lagu hayo beel kamid ah beelaha daga magaalada Kismaayo.

Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa Rashiid Cabdi Guuraa waxa uu sheegay in xaalada Jubbaland aysan dhoweeyn balse hadda kadib la raadinayo.

Isku soo wada duuboo xubnaha ka tirsan iyo kuwa u adeega maleeshiyo beeledka Raaskambooni ayaa waxa ay mar walbaa dafiraan  xasuuqa, kufsiga iyo jirdilka  ka socda magaalada Kismaayo, balse waxa ay hilmaameen in la hayo magacyada dadka la laayay iyo dadka ilaa hadda la’ayahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen oo gaaraya 70 meeyo ruux, waqti aan fogeena lagula xisaabtamayo tacadiyada ay geeysteen.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_043.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Xuquuqda codka K 24

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com