Kulan Looga Soo horjeedo Maxkamadda Sare Oo Ka Dhacay Ohio Mareykanka Sawirro+Video

0

shimOhio(AGGM) Kulankaan oo ahaa mid Cabasho ka dhan ah Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Colombo’s eek a tirsan Gobolka Ohayo dalka Mareykanka.

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Waxgarad kala duwan ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka , gaar ahaan sida ay sheegeen Cadaalad darro lagu  sameeyay qoyska Reer Cali Shire.

Xubnihii ka hadlay Kulanka ayaa ka dalbaday Madaxda Dowladda Soomaaliya in guryaha sida cadaalad darrada ah loo duudsiiyay Qoyska Reer Cali Shire ay dib ugu soo celiso , islamarkaana ay tallaabo deg deg ah ka qaadaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mr Ilka Xanaf ee k u aadan cadaalad darrada uu sameeyay.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay Boorar uu ku sawiranyahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Muujinaya cadaalad darraa uuu ka kaco marka uu xukunnada ridayo.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa ahaa mid dawlada federaalka ah ee soomaaliya loogu baaqay inay cadaalada qaadato isla markaasna mulkiilayaashaa hantidaasi leh dib loogu cesho,waxaana dhamaan dadkii kulankaasi ka soo qayb galay cambaareyn u jeediyeen Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Caydiid Ilko Xanaf oo ay ku tilmaameen Khaa’inul Wadan.

Daawo Waa Filimkan

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgadud@gmail.com

Copy-of-IMG_8381Copy-of-IMG_8384IMG_8355IMG_8356IMG_8368IMG_8372IMG_8373IMG_8375IMG_8383IMG_8408IMG_8410Copy-of-warqadshim