Shirkada FAVORI Oo Maanta Si Rasmi Ah Ugala Wareegeeysa Maamulka Aden Cade International Airport SKA.

0

Aden-AaddeMuqdisho (AGGM): Shirkada lagu magacaabo FAVORI ayaa maanta lagu wadaa inay si rasmi ah ula wareegto howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii la soo gaba gabeeyay kala wareejintii Maamulka Garoonka oo loo saaray gudiyo ka kala socday dowladda, Shirkada SKA ee wareejineysa garoonka iyo Shirkada cusub.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo isgaarsiinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in is bedelkan aanay saameyn ku yeelan doonin howlaha garoonka ka socda, isagoo cadeeyay in kala wareejinta uu bilowday shalay 3-dii Galabnimo, isla markaana saaka 9-ka subaxnimo la soo gaba gabeynayo.

Shirkada VAVORI ayaa labadii maalmood qalabkeeda keeneysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, si howlaha garoonka ay ugu qabato, waxaana taa bedelkeed Shirkada SKA ay iyana qalabkeeda ay kala baxeysay garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadan la wareegeysa maamulka Garoonka ay muddo cayiman ku bilaabi doonto horumarinta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, si uu ula jaan-qaado garoomada caalamiga ah, iyadoo ay soo bandhigtay naqshada cusub ee uu yeelanayo garoonka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa bilo ka hor go’aan ku gaaray in shirkada SKA laga wareejiyo maamulka garoonka diyaaradaha, iyadoo dowladda ay heshiis cusub la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo dib u dhis ku sameyn doonta garoonka diyaaradaha aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkada SKA ayaa tan iyo sanadkii 2010 maamuleysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ku soo kordhisay adeega Security ee caalamiga ah ee qofka uu dhex marayo Checkin, isagoo dharkiisa wata, waxaana ammaanka garoonka gacanta ku haya Ciidamada AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com