Madaxweyne Xasan Sheekh Soo Ma Habooneen In Uu Wafdi Heer Wasiir Ah U Soo Wakiisho Shirka Brussels?

0

brusselsWaxaa ah wax aad loola yaabo lagana caroodo in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya madal shir caalami ah lala soo fadhiisiyo Gudoomiyeyaal Gobol iyo Horjoogeyaal maleeshiyo beeleed oo gacmaha dhiig ku leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo umma habooneeyn ummana sharaf badneen in halka uu isaga ka soo aaday shirka Brussels uu u soo wakiisho Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ama Wasriika Arrimaha Dibedda, amaba aan iraahdo’e wafdi heer wasiir ah, madaama madashu hadda sida muuqata aysan ahayn madal heer Madaxweyne ah?

Dadka sida aadka ah u daneeya amaba u taageera horumarka iyo nidaamka dowliga in uu ka hirgalo gabi ahaan Soomaaliya ayaa arrintan waxa ay ku tilmaameen mid ku ah fadeexad iyo meel ka dhac magaca ummada Soomaaliyeed iyo kan Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo sabab uga dhigay in beesha Caalamka inaysan doonayn in Soomaaliya ay yeelato dowladd awood leh mar walbana ay iyagu awooda dowladdi dhalataba ay wiiqayaan maadaama ay Madaxweynihi, Gudoomiye gobolo, horjooge maleeshiyo beeleed ay isku si ugu martiqaadayaan shirarka caalamiga ah, waxaana laga doonayaa in Mas’uulka ugu sareeya dalka waa Madaxweynaha’e in isagu uu gartaa waxa meel ka dhaca ku ah sharafta iyo karaamada Soomaaliya ee lagu bahdilayo magaci Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Soo Arrintan hadda hadii aanu si wanaagsan ugu fasirsano umma muuqato iyana umana ahan cadeeyn in beesha Caalamka tusayaan Madaxweyne Xasan Sheekh in dalka Soomaaliya oo dhan uu  Madaxweyne u aheeyn’e uu matalayo isaguna Gobolka Banaadir iyo nawaaxigeeda?

Isku soo wada duuboo Madaxweyne Xasan Sheekh la mood noqonse waa, Soomaaliyeey waakaa Madaxweynaheena laga dhigay isaguna ku qancay in uu yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo nawaaxigeeda.

FG: Fikirkaaga dhiibo adoon caaytamin…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com