War Deg Deg Ah: Suldaanki Beesha Cumar Dheer Ee Waamo Suldaan Gama’adiid Oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Kismaayo.

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhaweeyd lagu dilay magaalada Kismaayo Allaha U Naxariistee Suldaanki Beesha Cumar Dheer (Wagardhac) ee waamo Suldaan Gama’adiid.

Beesha Cumar dheer ayaa waxa ay kamid tahay jifooyinka beesha Maxamed Amaan Reer (Wagardhac).

Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxaa loo xaqiijiyay marxuum Suldaan Gama’adiid inay dilkiisa ka dambeeyeen qaar ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu horjoogaha u yahay Axmed Madoobe.

Suldaanka ayaa illaa hadda dilkiisa aysan jirin cid ka hadashay amaba isku taxaluujisay inay meeydkiisa ka qaadaan bartamaha magaalada Kismaayo oo uu ilaa hadda yaalo.

Waxii ka soo kordha warkan geerida Allaha U Naxariistee Suldaan Gama’adiid kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com