Ra’iisal wasaare Saacid ” Nama Cabsi Gallin Doonaan Qaraxyada Al Shabaab Ay Geysanayaan”.

0

saacidMuqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in marnaba qaraxyada Al-shabaab ay ka geysanayaan magaalada caasimada ee Muqdisho gobollada dalka marnaba dib u dhigi doonin dadaalada xukuumadu ay ugu jirto soo celinta nabada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay  sheegay in qaraxyada dhcaya intooda badan yihiin kuwo aan laga gaarin muhiimaddii laga lahaa, isagoo xusay in dowladda federaalka ah ay sii xoojin doonto dagaalka al-Shabaab looga sifeynayo guud ahaan dalka.

Mar uu soo hadal qaaday weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in uu ahaa mid lagu guul-dareystay, islamarkaana la doonayo oo kaliya in lagu carqaladeeyo nabad-galyada dalka.

Wuxuu ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada, isla markaana ay ka soo horjeestaan kooxaha xag-jirka ah ee diiddan nabad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay weeraro kala duwan oo ismiidaamin ah ka dhaceen caasimada Muqdisho iyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaa oo galaaftay nolasha dad rayid ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com