Ahlusunna Waljamaaca Oo Ku Guubaabisay Dhallinyarada Soomaaliyeed Inay Isaga Baxaan Al Shabaab.

0

sheekh ibraahimCaabudwaaq (AGGM): Maamulka Ahlu Sunnah Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaalia ayaa maanta u soo jeediyay dhallinyarada ku jirta maleeshiyada Al-Shabaab inay isaga baxaan, oo ay ku biiraan dadkooda, maadaama uu hadda billowday shirqool horjoogayaasha dhexdooda ah.

Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa dagaallada maleeshiyada dhexdeeda ah ku sababeeyay cuqubooyin ka dhashay tacaddiyada xun-xun ee ay u geystaan dadka, dalka iyo diinta Islaamka, isagoona ku tilmaamay arrin soo dhoweyn mudan.

Sheekha ayaa dowladda federalka ah ee Soomaaliya ka codsaday in ay samayso qorshe hor leh oo ay si diirran ugu soo dhoweynayso  dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin-habaabisay Al-Shabaab.

Sheekh Guureeye ayaa ka codsaday culimaa’uddiinka iyo waaliddiinta inay iska kaashadaan wacyigelinta dhalliyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale ka codsaday shacabka ku nool goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda inay kala shaqeeyaan soo afjaridda jiritaanka Al-Shabaab.

Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay soo dhoweynayaan dhallinyarada ka soo baxda Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com