War-saxaafadeed: Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dooday Qodobo Ay Ka Mid Yihiin Go’aanada Shirkii Culimada.

0

IMG_9869Muqdisho, September 12, 2013—- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin qodobadii ka soo baxay kulankii Culimada Soomaaliyeed ee looga hadlay sida looga hortagi karo ku talax tagga Diinta “Xagjirnimada”.

Kulankan ayaa ugu horeyntii waxaa warbixin dheer siiyay golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Saacid oo isagu shalay ka soo laabtay safaro uu ku kala bixiyay dalal dhowr ah, isaga oo sharaxaad ka siiyay heshiisyo horumarineed oo ay la galeen ururka Islaamka iyo dawladda Yemen, waxaana goluhu ay si siweyn u soo dhoweeyeen heshiisyadaasi.

Gabagabadii kulanka golaha, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, wuxuuna ugu horeyntii si adag u beeniyay qoraal looga been abuuranayo oo la soo dhigay Website-yada Soomaalida, wuxuuna iska fogeeyey jiritaanka qoraalkan.

“Sida aad ka aragteen warqada been abuurka ah, Tixraac Numbar ma lahan wey banaantahay meeshii loogu talagalay tixraac Numberka (Reference No.), waana been abuurad cad oo raqiis ah” ayuu yiri Wasiirka oo beeniyay wararkaasi ku saabsan inuu warqad u qoray kooxda la socodka xayiraada hubka ee Soomaaliya iyo Eretria, taasoo uu ku dhaliilayo heshiiska shirkadda VAVORI ay kula wareegeyso maamulka garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde.

Sidoo kale, Wasiirka oo ka hadlayay qodobadii ka soo baxay shirka Culimada ee looga hadlayay Xagjirnimada ayaa waxa uu sheegay in goluhu ay isla qaateen si buuxda dhaqangelinta qodobada, isaga oo tilmaamay in goluhu ay dhiseen guddi heer wasiir ah oo kala shaqeynaya Culimada sidii loo dhaqangelin lahaa go’aanada shirka, gaar ahaana kulan la qaban doono muddo 90 cisho gudahood ah oo loogu yeeri doono culimada Soomaaliyeed iyo Culimada Islaamka Caalamka, kaasoo lagu sii xoojin doono go’aamada iyo dhaqangelinta qoboda shirka Culimada.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge ayaa sidoo kale, xusay in golaha Wasiiradu ay maanta si qotadheer uga doodeen qabashada shir dib u heshiisiineed oo lagu soo afmeerayo mad madowgii soo kala dhex galay beelaha ku wada nool gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna xusay in hogaanka sare ee maamulka KMG ah ee Jubba Mudane Axmad Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen Muqdisho, taasoo horudhac u ah qabashada shirweyne Dib u heshiisiineed oo ay dawladdu ka qabato degaanadaasi.

“Golaha Wasiiradu waxay iclaamiyeen shir dib u heshiisineed oo ka furmi doona October 5, magaalada Muqdisho, laguna soo afmeeri doono magaalada Kismaayo, sida ku xusan heshiiskii Addis ababa, ee Dawladda Federalka Soomaaliyeed iyo Maamulka Jubba” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in dawladda Federaalka ay dooneyso in si wada jir ah looga qeyb qaato dhaqangelinta heshiiska Addis ababa, si loo helo maamul loo wada dhan yahay oo ka hirgala degaanadaasi Jubba.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay in, intii ay ku guda jireen golaha Wasiiradu shirkooda ay soo gaartay war sheegaya in qarax lala beegsaday wafdigii magaalada Muqdisho ka ambabaxay ee uu hogaaminayay Axmad Maxamed Islaam Madoobe, isla markaana ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh soo gaartay xubno ka tirsan wafdiga.

IMG_9869 IMG_9885 IMG_9866 IMG_9860 IMG_9858

IMG_9916

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com