Dagaallo Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo Iyo Deegaanka Bilis Qooqaani.

0

shabaab123Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay falaagada Al Shabaab Weerar xalay ku soo qaadeen fariisim ciidamada Kenya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxa ay xalay weeraro dhowr ah ku qaadeen fariisimaha ciidamada Kenya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, Horjoogeyaal ka tirsan falaagada Al Shabaab ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in maleeshiyadooda ay khasaara xoogan gaarsiiyeen ciidamada Kenya iyo kuw amaleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ku kala sugan Jaamacadda iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Falaagada Al Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Tuulada Bilis Qooqaani oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Kenya, weerarakaas oo amrki dambe isu badalay dagaal fool ka fool ah.

Isku soo wada duuboo waxaa maalmahan aad u soo badanaya weerarada falaagada Al Shabaab ay ku qaadayaan Fariisimaha ciidamada Kenya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com