Xog: Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Oo Ka Furmayo 1-da Oktoobar Magaalada Muqdisho.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo ka furmayo magaalada Muqdisho 1-da bisha Oktoobar 2013.

Maalmo ka hor ayay hayd marki uu magaalada muqdisho gaaray horjoogaha maleeshiyo beeledka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo qaar ka tirsan horjoogeyaasha maleeshiyadiisa si ay kulamo ulla yeeshaan Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Horjoogaha ayaa waxa uu kulankiisi ugu horeeyay la yeeshay Madaxweeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dib safaro ugu kicitimay dalka gudihiisa.

Maalinimadi shalay kulamo ay lahaayeen Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo odoyaasha dhaqanka Jubbooyinka, Siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ka wada hadlayay qaabka ugu haboon ee uu shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka uu u dhici karo ayaa waxaa goobti kulanka ka socday si lama filaan ah kusoo galay Horjooge Axmed Madoobe.

Odoyaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Jubboyinka ayaa waxa ay diideen inay kulan la qaataan Axmed Madoobe ka hor shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee ka furmaya magaalada Muqdisho.

Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa uu ka codsaday Odoyaasha dhaqanka Jubbooyinka iyo Siyaasiyiintooda in shirka Dib u heshiisiinta Jubbooyinka uu ka dhaco magaalada Kismaayo taas oo ay ka biyo diideen odoyaasha iyo siyaasiyiinta Jubbooyinka.

Dood dheer ka dib ayaa waxa leeysku raacay in shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka uu ka dhaco magaalada Muqdisho sida uu dhigayay heshiiski magaalada Addis Ababa ay ku soo kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana la sheegayaa in shirka uu ka furmi doono magaalada Muqdisho 1-da bisha Oktoobar.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa waxa uu isku dayay inuu kulamo kale oo gooni gooni ah la qaato odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Jubbooyinka si uu u kala fur furo waana u suuro gali weeysay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa ay faafiyeen warar aan jirin loona meeldayin kuwaa oo ay ku sheegeen in shirki dib u heshiisiinta Jubbooyinka wejigiisi koowaad uu soo gabgaboobay, leeysuna diyaarinayo wejigiisa labaad ee magaalada Kismaayo iyo in qaar kamid ah Madaxweyneyaahsi Jubbooyinka oo kulamo la qaatay Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo awoodi iyo caqligii taageerayaasha iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay kusoo koobantay marakan inay warar been ah ku baahiyaan warbaahintooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com