Dhageyso: Raisalwasaare Saacid Oo Si Weyn Muqdisho Loogu Soo Dhaweeyey(Sawiro)

0

1185618_421804084591059_1603752326_nMuqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo weftigiisi oo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda soomaaliya ee Magaalada Muqdisho,waxaana halkaasi loogu soo dhaweeyey si heer sare ah iyadoo ay soo dhaweyntiisa ka qayb qaateen qaar ka tirsan golaha wasiiradda.

Raisalwasaaraha oo masuuliyiintii iyo shacabkii ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho halkaas kula hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay inuu dib ugu soo laabto Caasimada Soomaaliya oo uu mudo dhawr maalmood ah safar shaqo kaag maqnaa sida uu shaaciyey.

Raisalwasaraha waxaa uu sheegay inuu safar shaqo ku tagay wadamada Sucuudiga , Yemen iyo jabuuti waxaana uu daboolka ka qaaday inuu halkaasi kula kulmay madaxda wadamadaasi ay kana ka wada hadleen sidii wax badan looga qaban lahaa arrimaha ka taagan dalka soomaaliya iyo sidii dawlada soomaaliya looga tageeri lahaa la dagaalanka argagiixisadda.

Ugu dambeyntii Shirdoon waxaa uu sheegay inuu shir jaraa’id qaban doono isla markaasna kaga hadli doono arrimaha ku aadan kulamadii uu dalka dibediisa ku soo yeeshay,waxaana uu sheegay inuu horumar ka soo gaaray wada hadaladii uu 3 daasi wadan masuuliyiintooda la soo yeeshay.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-RA-SIIUL-WASAARAHA-SOOMAALIYA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

1185618_421804084591059_1603752326_n9880_421803244591143_220072279_n998497_421803081257826_264776060_n1185806_421803917924409_49332757_n1175069_421802967924504_616279159_n1185618_421804084591059_1603752326_n1185067_421803207924480_1342336442_n1236307_421804034591064_1355321582_n1236292_421803177924483_2109524633_n1185806_421803917924409_49332757_n1239527_421803131257821_743240396_n1185067_421803207924480_1342336442_n1239743_421803321257802_443122061_n