Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Uu Ka Furmayo 5-ta Bisha Oktoobar Magaalada Muqdisho.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay maanta shaacisay xiliga uu dhacayo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee la doonayo in leeysku soo horfadhiisiyo dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee DF Soomaaliya oo maanta ka hadlayay munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen R/waseaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu sheegay in garabyadi ku dagaalamay magaalada Kismaayo in 5 bisha Oktoobar shir dib u heshiisiineed uga furmayo magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in shirka dib u heshiinta ee magaalada Muqdisho ka dib Shirweyne labaad lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, shirkaas oo lagu soo afmeeri doono gabi ahaan qilaafki u dhexeeyay dadka daga Jubbooyinka ee dhaliayay gacan ka hadalka.

Isku soo wada duuboo warnbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay saaka aroorti baahisay in shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka uu magaalada Muqdisho ka furmi doono bisha 1-da Oktoobar magaalada Muqdisho,halka warbaahinta Soomaalida ay sheegayeen amaba baahiyeen in shirka loo warejiyay magaalada Kismaayo. Halkan Guji Si Aad U aragto Qoraalkeeni Saaka Aroorti.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com