Daawo Sawirada: Raiisul Wasaare Saacid Oo Soo Xiray Shirkii Looga Hadlayey Xagjirnimada.

0

IMG_9816Muqdisho, Sep, 11, 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) ayaa maanta  soo xiray shirkii heerka qaran ee latacaalidda mushkiladdaha xagjirnimada ee ka jira Soomaaliya. Shirkaan ayaa ka socday Muqdisho mudo shan maalmood ah, waxaana soo agaasimey Culimada Soomaaliyeed iyagoo taageero ka helaya Dowladda federaalka ee Soomaaliya, shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Culumo ka kala timid dalka dibadiisa iyo gudihiisa, Aqoonyahano, iyo Bahda saxaafada, waxaana si weyn loogu gorfooyeeyey  raadka dhibaatada xagjarnimada ay ku leedahay bulshada iyo sidii xal looga gaari lahaa,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo hadal ka jeediyey xiritaanka shirka ayaa ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada, isagoo tilmaamay in xagjirnimadu ay tahay dhibaatada ugu weyn ee hortaagan dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya.

“Muddo ayaan ku wareersanayn mushkiladda xagjirnimada iyo la dagaalanka Al-shabab, waan ku faraxsannahay jawaabaha waafiga ah ee aad u keenyteen mixnaddan.Dowladdu ma diideyso in fikradaha lagu kala duwanaado ee waxa ay diidan tahay is qarxinta iyo khalkhal galinta nabdgalyada. Waxa ka soo baxay shirkan waan soo dhoweyneynaa, waxaan balan qaadayaa in aan ku dhaqmi doono bayaanka aad soo saarteen, berri ayaan uga hadlaynaa shirka golaha wasiirradda.Xagjirnimadu waxa ay xagal-daacinaysaa hiigsigeena ,laakiin nassib wanaag taladiinu waxa ay timi xilligii loo baahnaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ku hadlay magaca  ka soo qaybgalayaasha shirweynaha ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeensado fikirka tagfiiriga ee Kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, waxana uu tilmaamay in manhajka khaldan ee Al-shabab  uu baal marsan yahay shareecadda iyo qiyamka Islaamka.

“Waa in mishkiladaan iskaashi buuxa ay ka sameeyaan bulshada qaybaheeda kala duwan, waana arinka kaliya ee lagu daaweyn karo. dhibaatadaan waxay timid kadib markii la dayacay diinta, daawaduna waxayu ku jirtaa in la toobad keeno Ilaahayna loo noqdo” ayuu yiri Shiikh Bashiir Axmed Salaad.

War-murtiyeed laga soo saaray shir weynaha ayaa laga hor akhriyey shirka, waxana war-murtiyeedkaasi oo xanbaarsanaa Fatwo iyo talooyin dhaxal gal ah  soo saaray culimadii iyo aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirka.

IMG_9826 IMG_9816 IMG_9804 IMG_9800 IMG_9793 IMG_9789 IMG_9785 IMG_9783

IMG_9755 IMG_9754 IMG_9753 IMG_9752 IMG_9733

—-DHAMAAD—

Communication Office
Mogdisho-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com