Qarax Saaka Ku Haleelay Ex Control Balcad Gaari Ay Shacab La Socdeen.

0

qaraxMuqdisho (AGGM): Sida ay idaacada Kulmiye usheegeen dadka deegaanka waxaa qarax miino uu saaka haleelay gaari shacab saarnaayeen oo marayey meel ku dhaw Ex control balcad ee magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa qeybta dambe uu qaraxa kaga dhacay mana jirin khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shacabkii la socday gaarigaasi BL-ka ahaa.

Dadka goob joogayaasha ah ayaa inoo sheegay in xaalada iminka ay tahay mid caadi kusoo laabatay isku socodkii dadka iyo baabuurtana ay dib ushaqo bilaabeen kadib qaraxuu saaka ka dhacay halkaasi.

Ma ahan mid ku cusub magaalada Muqdisho inuu qarax ka dhaco gaar ahaan kuwooda gawaarida Shacabka haleela dhowr jeer ayaa sidaan oo kale qaraxyo waxyeelo kala duwan geeystay waxay ka dhaceen xaafado ka mid ah Magaalada  Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com