Magaalada Kismaayo Oo Caawa Bandow Lagu Soo Rogay.

0

deg-deg-muhiim19Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni iyagoo kaashanaya Ciidamada Kenya ay caawa bandow ku soo rogeen magaalada Kismaayo, iyadoo hawada laga saaray shirkdihii isgaarsiinta ee magaalada.

Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Iyo Ciidmaada Kenya ayaa  waxa ay gaaf-wareegaya waddooyinka magaalada, halka shacabkii ay goor hore oo galabta ah guryahooda gaareen, sida uu inoo xaqiijiyay goobjooge ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo aanu goor dhaweeyd kala xiriirnay Satellite Phone (thuraya).

Goobjoogahan ayaa waxa kale oo uu  inoo sheegayn in mid kamid ah Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni uu ka hadlay idaacada ku hadasha afka maleeshiyo beeleedka ayaa shacabka ku nool magaalada Kismaayo waxa uu ugu baaqay inay u hogaansamaan amarka bandowga ah ee ka soo baxay maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Horjoogahan ayaa wax faahfaahin ah ka bixin sababta ka dambeysa bandowga lagu soo rogay magaalada Kismaayo.

Warar aan sugneeyn oo laga soo xigtay qaar ka mid ah Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa sheegaya in bandowga uu yimid kaddib markii Horjoogeyaasha ay heleen war sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay qorsheynayso weerar ay ku soo qaaddo magaaladda Kismaayo, waloow warar kalena ay sheegayaan in magaaladu ay aad  ula il daran tahay falal amini daro ah oo lagula kaco dadka rayidka ah xiliyada Habeenki.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com