Madaxweyne Xasan Oo Furay Kalfadhigii 3-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

IMG_2100Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ka jeediyay munaasabada furitaanka kalafadhigii 3AAD ee Golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya.

“Barlamaanka wuxuu qabtay howlo  farabadan oo ay ka mid yihiin ansixinta xukumadda, maaliyadda, iyo dib u eegista dastuurka. Shacabkuna wuu ku farax sanyahay shaqada aad heysaan.”  Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“ Hadafkeenu waa in aan dalka gaarsiino doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto Insha Allah waan gaarsiin doonaa”Ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Barlamaanka iyo gudiyadiisu ay ka war hayaan xukumadda lana xisaabtamaan. Waxaa uu tusale u soo qaatay in ay horay Raisul Wasaaraha iyo Wasiiro ay Barlamaanka hortiisa ka war bixiyeen.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kale uu sheegay in horumar farabadan la gaaray waqtigii yaraa oo ay ka mid yihiin maamulka maaliyadda iyo dib u habeynta ku socoto hey’adaha amniga oo hada ay masuuliyad iska saartay in ay dolwadda ku tababarto dalka gudahiisa islamaarkaasna ay siiso mushaar iyo qalab ay dowladda keentay.

“ Mashaariic lagu dhisayo wadooyinka dalka iyo xarumaha bulshada ayaa goor dhaw noo bilaaban doono.” Ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa wuxuu kula dar-daarmay Baralamaanka in ay ka sheeqeyaan wanaaga iyo horumarka dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com