Dagaalo Xalay Ka Dhacay Qaar Ka Mid Ah Degmooyinka Gobolka Banadir

0

sinaiMuqdisho(AGGM) Dagaalo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ka dhacay fariisimo ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadyada oo ahaa mid culus ayaa ka dambeeyay markii xoogag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen fariisimaha Warshadii Baastada iyo Guriga Gudoomiyaha degmada Huriwaa oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xalay ay u aheyd habeen murugo iyo wal wal badan, kadib markii ay dhagahooda ku soo dhaceen daryanka madaaafiicda.

Xoogaga Al-Shabaab ee weerarada fariisimaha ciidamada ayaa adeegsaday gantaalada garbaha laga tuuro iyo qoryaha fudud, iyadoo muddo ay rasaasta socotay.

Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha ka dhashay iska hor imaadyada xalay ka dhacay degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, iyadoo ay ku soo kordhayaan weerarada habeenkii ka dhacaya xaafadahaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com