Raisalwasaare Saacid Oo Gaaray Magaalada Sanca Ee Dalka Yemen

0

IMG_0294Sanca(AGGM) Raisalwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Wafdiga uu horkacayo R/wasaare Saacid oo xalay ka degay magaalada Sanca ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi, waxaana la filayaa in R/wasaare Saacid uu kulamo la qaado madaxda dalkaasi, ayna ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka Labada dal.

Booqashada R/wasaaraha ee dalkaasi ayaa ka dambeeysay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda ugu sareeysa dalka Yemen, iyadoo R/wasaaraha iyo wafdigiisu ay soo gebagebeeyeen booqasho ay ku joogeen dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Safarka R/wasaarahe Saacid uu ku marayo wadamada deriska ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladu ugu jirto xoojinta xiriirka ay dowlada Federaalka Soomaaliya la leedahay wadamadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com