Odoyaasha Dhaqanka Ee Beelaha Digil Iyo Mirifle Oo Sheegay In Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Imaan Karin Magaalada Baydhabo.

0

baydhabo1Baydhabo (AGGM): Shir ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayay golaha odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle isku raaceen inuusan imaan karin magaalada Baydhabo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadal hayo inuu booqan doono magaaladaas.

Golaha odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle oo uu shir uga bilawday shalay xarunta ay ka deganyihiin magaalada Baydhabo ayaa waxa ay maanta go’aansadeen inuusan madaxweynuhu imaan karin magaalada Baydhabo maadaama ay dhawaan sheegeen inay kalsoonida kala laabteen dowlada federaalka Soomaaliya.

Malaaq Xasan Shure, malaaq Malabow iyo malaaqyo kale iyo salaadiin ka wada tirsan golaha odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle ayaa waxa ay si isku mid ah u sheegeen inuusan madaxweynuhu imaan karin Baydhabo cid uu kula kulmayana aysan jirin xitaa haduu imaado.

Hadalka kasoo yeeray odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle ayaa imanaya xili ay magaalada Baydhabo ka dhaceen dibadbaxyo lagagasoo horjeedo heshiiskii ay wakiilo ka socday madaxweyne Xasan Sheekh heshiis kula galeen magaalada Addis ababa Axmed Madoobe oo ay ku heshiiyeen inuu Axmed Madoobe maamul loogu magacdaray Jubba kula wareego gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweyne Xasan SHeekh ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Beledweyne isaga oo caawana ku hoyan doona halkaas sidoo kalena waxaa jira warar sheegaya inuu gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kagasii hormari doono magaalada Baydhabo madaxweynaha si uu uga dhaadhiciyo odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka iyo kan degmada inay kasoo dabcaan halka ay hada taaganyihiin taasoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com