Madaxweynaha Mareykanka Oo Aan Taageero Ka Heysan Goleyaasha Dalkaasi Si Siiriya Uu U Weeraro.

0

Obama speaks about the sequester in WashingtonWashington DC (AGGM): Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa ilaa iyo haatan aan ku qancin golleyaasha Baarlamaan ee dalkaasi in ay weeraraan dalka Syria si loo ciqaabo xukuumada Bashaar Al Asad.

Tiro koobyo kala duwan oo aay soo bandhigeen warbaahinta Mareykanka ayaa muujinaya in labada aqal ee baarlamaan ee dalkaasi ay xubnahoodu ka soo horjeesteen weerar lagu qaado Siiriya.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xitaa aan gacanta haatan ku heyn taageero uu uga heloweerar Syria ka dhan ah xildhibaanada xisbigiisa Dimuqraadiga.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa todobaadkii hore ku guul dareystay taageero uu caalamka uga helo weerar Syria lagu qaado kolkii uu ka qeybgalay shirkii dalalka ku bahoobay G20.

Xulafada Mareykanka ayaa gidi la qaba in ay tahay in tilaabo laga qaado xukuumada Bashaar Al Asad ee shacabka uisticmaashay Sunta Serin,balse ilaa hada lama hayo dal leh weerarka ayaanu kula galeynaa Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta gudi galay kulamo uu la yeelanayo xildhibaanada dalkiisa si uu ugu qanciyo in ay taageeraan dagaalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com