Daawo Sawirada: Dowladaha Soomaaliya Iyo Shiinaha Oo Heshiis Rasmi Ah Kala Saxiixday.

0

shiinaha 5Muqdisho (AGGM): Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah marwo Foziyo Yusuf Xaaji, Xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay wafti ka socda dalka Shiinaha oo uu horkacayo Danjiraha u fadhiya Kenya liu Guangyoun.

Waftigaan ayaa ahaa khubaro indha indhayn ku samaynaya goobo ay dowlada shiinuhu horay uga dhistay dalka Soomaaliya, kuwaas bur-bur xoogaan ay ka soo gaareen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana ka mid ah goobahaas, Tiyaatarka Qaranka, Garoonka Kubada Cagta (Stadium Muqdisho) , Isbitaal Banaadir, wadada isku xirta Galkcayo ilaa Burco iyo Dhul ay dowlada Soomaaliya siisay dalka shiinaha si ay uga dhistaan Safaaradooda.

Safiirka shiinaha oo waftiga hogaaminaya ayaa uga horayntii ka hadlay ujeedka booqashadooda muqdisho, iyo waxyalaaha ay damacsanyhiin inay Soomaaliya ka fuliyaan mustaqbalka dhow.

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xariir qota dheer oo soo bilowday 50 sano ka hor, waana wadankii ugu horeeyey oo Shiinuhu la yeesho xariir siyaasadeed wadadmada Bariga Africa, waxaan rabnaa inaan bog cusub u furno xariirka u dhaxeeya labada dal, waxaan halkaan u nimid inaan fiirino baahiyaha ka jira dalka, anagoo aad ugu rajo weyn inaan Soomaaliya dib uga bilowno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur-buray dagaalada sokeeye” ayuu yiri safiika Shiinaha isgoo dhanka kalana xusay inay ku dhiiri galinayaan shirkadaha Shiinaha inay maalgashtaan Soomaaliya oo ay had ka jirto fursado badan oo ganacsi

Dhanka kale ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhenkeeda uga mahadcelisay dowladda Shiinaha sida hagar la’aanta ah oo ay uga jawaabeen baahiyaha dowladu qabto una balan qadeen inay si dhakhso ah u bilaabi doonaan dhaqan galintooda

“Waxaan halkaan ku saxiixnay labadii heshiis ee ugu horeeyey oo daba socda wadahadalkii iyo heshiisyadii aan soo galnay dalkooda bishii la soo dhaafay, waxayna sidoo kale u yimaadeen inay arkaan dhulkii la siiyey si ay uga dhistaan safaaradooda, waxaa kale oo intaan daba socda mashaariic waaweyn oo ay dowlada Shiinuhu ka fulin doonto dhamaan gobolada Soomaaliya” ayeey tiri marwo Foziyo

Ugu danbayntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Maxamuud axmed Nuur Tarsan ayaa gudoonsiiyey dhul ku yaala xeebta liido halkaas oo ay dhawaan ka bilaabi doonaan dhismaha Safaaradooda, si xiriirka labad wadana u noqodo mid joogta ah.

shiinaha 7

shiinaha 5

shiinaha 2

shiinah 4

—–DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the PM
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com