Daawo: Madaxweynaha Siiriya Bashaar Al Asad Oo TV Mareykanka Laga Leeyahay Wareeysi Siiyay.

0

130826144834_bashar_al_asad_464x261_reutersWashington DC (AGGM): Madaxweynaha dalka Syria Bashaar Al Asad ayaa wareysi uu siiyay TVga CBS ee dalka Mareykanka waxa uu ku sheegay in aaney jirin cadeymo muujinaya in uu shicibka dalkiisa sun ku laayay.

Madaxweynaha Syria ayaa wareysigan uga gaabsaday in uu qirto in dalkiisu heysto sunta wax gumaada ee Serin.

Madaxweyne Asad ayaa dalbaday in dunida loo soo bandhigo cadeymaha muujinaya in ciidamadiisu sun ku weerareen shacab.

Waxaana uu madaxweynuhu ku eedeeyay mucaaridka hubeysan ee ka soo horjeeda in ay iyagu yihiin kuwa sunta isticmaalay si ay dunida garab uga helaan.

si kastab ha ahaatee wareysiga uu Asad siiyay warbaahintan Mareykanka ayaa la shaaciyay maalin uun ka hor wareysiyo uu madaxweyne Barack Obama siin doono warbaahinta dalkiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com