Akhriso Ajandaha Shirka Bruxelles Iyo Xubnaha Ka Qayb Galaya Oo La Shaaciyey, Iyadda Oo Ayna Ku Jirin Liiska Puntland Iyo Somaliland.

0

someuMuqdisho (AGGM): Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, ayaa lagu wadaa todobaadka soo socda maalinta Isniinta16, Sep, 2013 in uu ka dhaco shirka loogu magac-daray Hiigsiga Cusub (New Deal), kaasi oo beesha caalamka iyo Soomaaliya ay ku geli doonaan heshiis rasmi ah, oo lagu Maalgelinayo, laguna Horu-marinayo dalka Soomaaliya.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb gali doonaan Wadamo badan oo ka tirsan kuwa deeqa bixiya, Beesha Caalamka, Hey’addo Caalami ah iyo Diplomaasiyiin ka tirsan QM, ayaa waxaa si wada jir ah u shir Guddoomin doonaan Haweeneyda Dhinaca Siyaasada Arrimaha Dibadda u qaabilsan Midowga Yurub, Catherine Ashton iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay door muhiim ah ka qaataan Wasiiro ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya, kuwaasi oo Wasaaradahooda qeyb ka ah kuwa la doonayo in sida weyn loo Horu-mariyo, isla markaana la maalgeliyo.

R/wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federalka Soomaaliya, Ahna Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Drs. Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa door muhiim ah ku yeelan doonta Shirkaan, iyadoona qeyb ka ah dadka ka hadli doona Shirka, waxaana halkaasi loogu dhageysan doonnaa Arrimaha iskaashiga Caalamiga, Siyaasada Dibadda iyo Horu-marka ay soomaaliya ka sugeyso dhinaca Dibadda.

Wasiirada Horu-marinta Adeega Bulshada, Drs. Maryan Qaasim oo iyadu Wasaaradeeda Hoos timaada illaa iyo dhowr wasaaradood oo ay ka mid yihiin, Caafimaadka, Waxbarashada, Isboortiga, Haweenka iyo Qoyska, ayaa iyaduna shirkaan door muhiim ah ka qaadan doonta, waxa ayna si weyn beesha caalamka ugula hadli doontaa Arrimaha horu-marinta Adeega bulshada, baahida xilligaan taagan, iyo waliba Qorshaha lagu Horu-marin karo Adeegaasi Muhiimka u ah Bulshada.

Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Dhaqaalaha Dowlada Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Xasan Suleyman, ayaa ka mid ah Wasiirada laga soo xulay Dowlada Federalka Soomaaliya ee iyagu doorka ku lahaanaya shirka Hiigsiga Cusub (New Deal) ee Maalinta Isniinta fooda inagu soo heysa 16,sep, ka dhacaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Federalka Soomaaliya, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqqi, ayaa isna ka mid ah Wasiirada ka qeyb galaya shirka Brussels, iyadoona la filayo in uu halkaasi kusoo bandhigo qorshaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya, oo si weyn loo donayo in horu-mar lagu sameeyo.

Wasiiradan ayaa ah kuwa lagu soo bandhigay Qorshaha iyo qaabka uu shirka Brussels u soconayo, iyadoona dhinaca kale Madaxweynaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy, Sarkaalka Midowga Yurub u qaabilsan dhinaca Horu-marinta, Mr Andris Piebalgs, Madaxweyne Ku-xigeenka Bankiga Aduunka Mr Makhtar Diop, Danjire ka socda AMISOM oo lagu Magacaabo Ambassador Ramtane Lamamra, iyo Mr Jeffrey Feltman oo UN-ka u qaabisan dhinaca Siyaasada ay qeyb ka noqon doonaan dadka iyagu doorka ku lahaan doona Shirkaan.

Maamulada Puntland, iyo Soomaaliland, ayaa dhankooda shirkaan qeyb ka noqon doona Wallow xubno ka tirsan Maamuladaasi aan lagu soo qorin ama lagu soo bandhigin Liiska lagu soo bandhigay qaabka uu usoconayo Shirka Brussels iyo Ajandayaashiisa, sidoo kale Dowlada Federalka Soomaaliya Diplomaasiyiin ka tirsan iyo Shaqaale u shaqeeya ayaa la filaya in ay shirkaan ka qeyb galaan, wallow iyaguna aan liiska lagu xusin marka laga reebo Wasiiradaasi iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada Original-ka Ah Ee Ajendaha Shirka Iyo Xubnaha Ka Qeeyb-galaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com