Mashruuca Aada Dugsiyada “Waa In Ay Helaan Sedex Milyan Oo Caruur Ah Waxbarasho Lacag La’aan Ah Sadexda Sano Ee Soo Socota” War-saxaafadeed+Sawirro

0

DSC_0023Muqdisho(AGGM)Sadaxda sano ee nogu soo aadan, in kabadan hal milyan oo caruur soomaali ah aya helaya fursad dhab ah oo ay dib ugu bilaabayaan, ayna helayan waxbarasho lacag la’aan ah 20-sano kadib.

Mashruuca “Aada Dugsiyada” waa fikrad ka timid wasaarada horumarinta iyo adeega bulshada. Waxaa la dhisayaa ama la dayac tirayaa boqolaal skuula ah, waxa la bixinayaa qalab dhalinyaro wax ku bartaan, waxa la taageerayaa lana tabo barayaa macalimiin cusub, sido kale waxa lagu dhiiro gainayaa waalidiinta iyo bulshada iney waxbarashada gabdhaha mudnaanta kowaad siiyaa iyo wiilashaba. In badan oo kamid ahna, waxey u noqoneysaa marki ugu  horeyse ee waxbarasho helaan.  Tani waa ololaha ugu weyn oo caruurta Somaalia fasalada lagu geeynayo in kabadan 20 sano.

Mashruucani wuxu noqonayaa mid badala barta dhibaatooyinka iyo dowlad la’aanta ee Somalia caanka ku noqotay dagaaladii sokeeye.

“Caruurta iyo dhalinta yar oo waxbarasho la siiyo waxey muhiim u tahay mustaqbalkooda, kan reerkooda iyo bulshada guud. Laakin waxbarashadu sido kale waxe y muhiim u tahay nabadeynta iyo xasiloonida. Waxbarashada waxey noqon kartaa calaamada nabadeynta Somaaliya. Aye tiri wasiirka horumarinta iyo adeega bulshada, Dr. Maryan Qasim.

Waqtigan xaadirka ah, tobankii canug ee Somalia ku nool, afar kaliya ayaa iskool ka hesha, halka sadax meelood meel gabdho yihiin.

Sida ugu fiican uguna haboon ee faqriga iyo sinaan la’aanta lagu yareen karo waa in la maalgaliyaa waxbarida caruurta iyo dhalinta yar-mustaqbalkeena. Sidaas darted ayaan manta u daahfureynaa qeybti koowaad ee mashruuca “Aada dugsiyada”.  Tani waa tilaabada kowaad o aynu ku gaareyno hadafkeena ugu dambeeye ee ah in waxbarasho tayo leh oo lacag la’aana ey helaan dhamaan caruurta ku nool wadanka Somaalia.

Dowlada Federal ka ahi waxa ay ku dhawaaqday  furitaanka barnaamjika 8da Sebtember, waxayna qoreysaa 100,000 oo caruur ah dugsiyada dowliga ah, taasina waxay noqonaysaa qaybta ugu horeysa ee AADA DUGSIYADA.

8 da Sebtembar waxa kaloo ay calaamad u tahay maalinka qorida iyo akhrinta ama tacliinta, himilada caruurta Soomaaliyeed iyo hogaanka bulshda ay u qabaan AADA DUGSIYADA waa mid weyn oo xad dhaaf ah.

Wasiirka wasaarada waxbarshada ee Puntland, Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa yiri “caruurtu waa inay ugu horeeeyaan, inagoo dhami waa inaynu ka tashano sida caruurta wax loo bari lahaa, cidkastaa waa inay doorkeeda ka ciyaartaa dowlada, waalidka, macalimiinta, iyo bulshada guud ahaan.”

Ganacsatada gudaha, Siyaasiinta, Hogaanka culumada iyo Odayaasha ayaa taageeray abaabulka. Qurba joogtauna waa lala hadlay inay lacag ku deeqaan iyo dhiiri galin ba.

“Aniga, wax barshada wey igala weyn tahay akhrin iyo qorid kaliya,” ayey tiri Dr. Maryam Qasim. Iyadoo hadalka sii waday ayey tiri “ wax barshadu waan aalad muhim ah oo loo addegsan karo hormarinta nabada iyo xasiloonida iyo weliba hormarinta dhaqaalaha iyo barwaaqada. Caruurta joogta Soomaaliya oo idil wey madunyihiin in loogu deeqo waxa ugu fiican si ay u tiigsadaan himiladooda, ma ahan dugsiyada oo qura balse noloshooda oo dhan.”

AADA DUGSIYADA waa barnaamij dalkoo idil ku baahssan, “tani waa fursad qaali ah oo hormarinaysaa sanadadii lasoo dhaafay, akideysana in caruurta Soomaaliland in helaan wax bada ay mudan yihiin.”  Ayuu yiri Mudane Axmed Nuur Fahiye, wuxuu intaa kusii daray “tani waa mudnaanta ugu horeysa ee dowlada in caruurtu farxad iyo mustqbal dhalaalaya ay yeeshaan.

12-year-old-girl-MogadishuDr-Maryan-Qasim-Somali-Federal-RepubicDSC_0023Muna Suleiman (7 yrs.) in grade 2 walks to school at Biyo Dhacay Primary School in Hargeisa district of northwestern Somalia. UNICEF works with partners across Somalia to deliver an integrated package of school-based and non-formal activities. This includes advocacy with the Education Ministries in Puntland and Somaliland, the construction and rehabilitation of schools, including temporary emergency structures, provision of supplies, school health activities, teacher training and incentives, monthly food vouchers through schools for children without access to other food support, support to Child-to-Child clubs and Community Education Committees and support through non-formal alternative basic education to pastoralist children.