Dulmi Diidow Maxaa Dulmi Ku Jeclaatay? W/Q. Abdiraxman Sh. Mohamed Sh. Cali "Abdiraxman Baydhabo".

0

maqaalMaqaal: Assalamu calaykum wa raxmatullahi wabara kaatuhu, Salaanta Islaamka kadib,waxaa igu kalifay in aan qoraalkan qoro in aan ayaammahan arkaynay qaylo badan oo ka taagam maamulka Jubaland haddana loo bixiyay jubba administration.

Qayladas in badan oo kamid ah waxaa ay ka imaanaysaa belaha walalaheen ee digil iyo mirirfle iyagoo markaa sheegaya in la dulmayo,waxaa isweydiin mudan inta qofka aanu dulmi isaga lagu hayo aannu ka hadlin sow ma quraxana in isaga uu isa saxo oo dulmiga diido haddii uu wax dulmayo?.

Tusaale ahaan waxaan 4 generation ayaan ku dhashay kana soo jeeda maagalada Baydhabo janaay waa meesha aan dunida ugu jeclahay hantina aan ku leenahay maantana hantideenii waa lahaystaa mana tagi karo gurigii aan ku dhashay aabahay awoowgay iyo awoowgiis ku dhasheen,waxaa arrintan ila qaba dad qiyaastii dhan 30/40 kun oo Somali kala duwan ah.

Markaaan u leexdo degaankan Jubaland waa dhul somaliyed lana wada degan yahay degaana waxaa la ogaaday inuu ku qurxan yahay in la wada degan yahay dib u fiiriya magaalooyinka beelaha kaliya ay degaan iyo kuwa la wada degan yahay isbarbar  dhigana dhinaca nolosha hurumarka iwm.

Cabir yar marka aan idinka siiyo 3 gobol beelaha qiimaha badan ee walalaheen digil iyo mirifle shacabka ka degan qiyaastii waa intee?ka goblol ka degmo degmo.Sidoo kale waxaa arkaysaa siyaasiyiin aqoon yahan iyo odayaal ku andacoonaaya beelaha daaroodka qaar ayaan mudnayn in aan kala hadalno jubaland oo aan degenayn, hadaba waxaa is weydiin mudan beelha digil iyo mirifle qaar ayaan deganayn 3 gobol maxaa lagu xalinayaa?tusaale beesha Hadame 3 gobol hal qofma laga helaayo iyo beelo kale oo ka mid ah digil iyo mirifle maxaa xalku yahay xeerkee qabanaya?

Tirada dadka beelaha digil iyo mirifle ee degan 3 gobol qiyaastii waa intee?waa suaal aad u fiican la isku ma hayto dadka in ay deganka wax ka degan yihiin laakiin intee la eg yihiin ay suaal muhiim ah? Anigoo si fiican u kala aqaan aqoontadayda, degmo waxaa ku leh beelaha  digirl iyo mirifle  macalinweyen oo saakow ah,  beel kale oo degmo si gooni ah u degto kana mid ah 2 jubbo ma jirto,qofkii yaqaanna bal ha noo sheego insha allaah.

Tan wada degenaasha digil iyo mirifle waxaa ay wax ka degaan 3 gobol halka ay ugu badan yihiina waa gedo iyo jubada dhexe marka la isku daro ma gaarayaan 10%tsuaale ahaan

Degmoyinka ay wax kadegaan waa sidan

Gedo:Luuq digil iyo mirifle waxaa ka degan gasaare gude macalinweyne oo urukud degan waan 10% Baardheere laysaan iyo asharaaf  3%,Ceelwaaq garre,garre ma ahan gare dhoobeey waana 35%

J/dhexe j/hoose  dabare macalinweyen isku darkooda iyo jiroon hariin ma gaarayaan 10%over allpopulationkamarkalaga eego,tusaale waxaa inoogu filan 3 degmo ee jubaland ugu dadka badan waa B/xaawo,Kismaayo iyo Baardhere intuba DMkamaahan ankee 10% midkoodna magaalooyinka kale ee gedo aad iyo aad ayaa loga badan yahay sida luuq ceelwaaq, saakow DM waa majoority cidku haystaana majirto Buaale waa looga badan yahay

Haddaba shacaka degan ma la eg yihiin beelaha kale sida marexan ama absame?ankee uma dhawa tirada marka laga eego taasi waxaa ay ka dhigaysaa in ay ka yihiin 3 gobol wax kayar 12%,12%xaq ma u leeyihiin in ay ka qayliyaan ugu yaraan 60/70 oo ah beelaha daaroodka?caddaalad ma tahay iyadoo DM ay haystaan hanti ka badan inta ay ku leeyihin jubaland in 10 marka badan in aaanay ka hadlin xaq darada ay sameeyeen?maxaase u diiday digil iyo mirifle marka hore dadka hantidooda lagu haysto bay iyo bakool in ay waqti siiyaan mamulka inta ay xaqa ugu leeyihiina ay uga ogolaadan oo ay baydhabo ugu horeyso,tusaale ahaan xamar guriyihi dadkii looga haystay ama qaar ayaa loo celiyay, qaar ayaa gatay, qaar ayaa loo hayaa, laakiin baydhabo ankee la ma soo booqan karo  marka dulmi hadii la idinku haayo waaba idiin dhimanaynaaye idinka dulmiga maadiidan oo iska saxdaan.

Waxaa ay ila tahay DM in aanay ku dhicin qaladkii 1991kii oo kale qola walibaa degaan ayay majority ku tahay waana in lagu ixtiraamaa dadka degan degaannada looga badan yahayna waa in la ixtiraamaa xaquuqdoodana ay helaan.

DM waa waajib saaran in ay maamulka bay iyo bakool dadka xaqa u leh in ay qaybtooda uga ogolaadaan si iyagan jubaland qayb ay uga helaan sababtoo ah dadka guryahooda ka qaxay xoog ayaa looga haystaa xaq ayayna u lee yihiin maamulka DM xaq uma lahan in ay isku koobaan bay iyobakool.

Dulmi diidow maxaa dulmi ku jeclaatay?

W/Q. Abdiraxman Sheeikh Mohamed Sheekh Ali  “Cabdiraxman Baydhabo”

Email:abdibaydhabo1950@hotmail.com

Qoraalkan waxaa uu gooni u yahay qoraaga cid aan ku matalaana may jirto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com