Dhalinyaro Soomaali-Swedish Ah Oo La Sheegay In Ay Jihaad U Tageen Suuriya.

0

orebroÖrebro (AGGM): Dhalinyaro Soomaali ah oo gaadheysa  5 qof ayaa la sheegay in ay jihaad u tageen dagaalka ka socda dalka Syria. Dhalinyaradaan ayaa ka baxay xaafada Vivalla ee magaalada Örebro. Qaar ka mid ah familada dhalinyaradaan ayaa dhagaxaan ladhacay iyaga oo cadhaysan  eedna dusha ka saaray masjidka weyn ee magaalada Örebro iyagoo sheegay in halkaas lagu tashkiiliyay dhalinyaradaan.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ku dhashay Sweden iyo kuwa iyaga oo da’da yar la keenay wadankaan oo jaamacadaha dhiganayay.

Booliska Örebro ayaa sheegay in ay soo gaadhay warbixin ku saabsan arimahaan balse aysan wali cidna soo xidhin baadhtaana wada. Sababta ay dhalinyaradaan Soomaalida u tageen Syria ayaa noqotay mid fajac iyo amakaag lala yaabo kunoqotay dadkii, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee dhalinyaro Soomaali ah ay ka tagto Sweden oo ay dagaal u tagaan Syria.

magaal

Qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyaradaan ayaa booliska Sweden ugu baaqay in ay baaritaan ku sameeyaan cida ka dambaysa oo caawisay in dhalinyaradaan ay dagaalka aadaan. Intooda badan ayaa ah kuwo aan aqoon u lahayn wadanka Syria isla markaana aan haysan xitaa lacag ay diyaarad ku raacaan.

Dad caraysan ayaa la sheegay in ay weeraradeen masjidka Örebro markii la sheegay in ay lug ku leeyihiin tashkiilinta dhalinyaradaan. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Masjidka ayaa iska fogeeyay in ay wax lug  ah ku leeyihiin arimahaan.

Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale dalka Denmark ka tagay 65 ruux oo uu ugu yaraa 16 jir  uguna weeynaa 50 jir oo sida la sheegay qaarkood naftooda ku waayeen, halka qaar kale ay fariimo hanjabaad ah u soo direen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark

Örebro Sweden

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com