Daawo: Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Shiikh Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Baladweyn.

0

mada6Baladweyne (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  ka degay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn.

Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyey  mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan , dadweyne fara badan iyo taliyayaasha ciidamada .

Xubnaha Wafdiga madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano , wasiiro iyo taliyayaasha nabadsugida iyo booliska .

Marka laga soo tago mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan waxaa soo dhaweynta madaxweynaha ka qeyb-qaatay, saraakiisha ciidamada maamulka, kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM, saraakiisha ciidamada Itoobiya, qeybaha bulshada magaalada oo isugu jiray aqoonyahanno, odayaal, waxgarad, ururada dhalinyarrada kuwaa soo siweyn ugu faraxsanaa booshada madaxweynaha.

Amaanka magaalada aya aad loo adkeeyey waxaana lagu wadaa in madaxweynaha u kulamo la bilaabo hogaamiyayaasha maamulka iyo odayaasha qabaailka G/Hiiraaan.

Waa markii labaad oo uu safar ku tago madaxweynaha magaalada Baladweyn tan iyo markii la doortay 10 September.

mada6

mada5

mada2

mada4 mada3
DCIM100MEDIA

mada

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com