Warsaxaafadeed: Danjire Nicholas Kay, Oo Cambaareeyay Weerarkii Isqarxinta Ahaa Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

0

Nicholas-Kay.Muqdisho, 7 Sebtember 2013- Ergayga-Gaarka  ah  ee Xoghaya- Guud ee Qaramadda Middoby, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarka ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sida la soo sheegay, qof isa- soo miidaamiyay iyo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa  lagu qarxiyay goob ay ka buuxeen dadka, halkaasi oo  ay ku taalo makhaayad The Village.

Qaraxan ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 15 qof qof.

“Waxaa aad iiga naxiyay ficilkan waxashnimadda leh. Waxaana u cambaaraynayaa sida ugu aad u xoog badan. waxaan tacsi ka soo go’day niyadda u dirayaa qoysaskii iyo saaxiibaddi dadkii lagu dilay weerarkan,waxaana u rajaynayaa kuwii ku dhaawacmay in ay si dhakhso leh u boskoodaan.”

“ Weeraradan cadownimadda iyo waxashnimada ah waxuu na xusuusinayaa in dadka Soomaaliyeed ay si dhab ah ugu baahanyihiin nabad.  Argagixisadu waxay caqabad  ku tahay dadka Soomaaliyeed, wadamada Gobolka,  iyo dunidaba inteeda kale,Argagixisadu waxay u baahantahay in loo adkaado ciidan  iyo siyaasad ahaanba.”, ayuu  yiri Erggaygga- Gaarka ah.

“UNSOM waxay halkaan  u joogtaa in ay gacan ka gaysato dadaalada socda,  waxayna garab taagantahay dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri hadalkiisa ku soo gabagabeyay Ergaygu.

—DHAMAAD—-

Isha Ku Hya Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com