War Deg Deg Ah: Qarax Lagu Halaagsamay Oo Hadda Ka Dhacay Nawaaxiga Guriga Hooyoyinka Ee Muqdisho

0

breaking-news4Muqdisho(AGGM) Waxa hadda Magaalada Muqdisho gaar ahaan barxada iskaashatooyinka Gaadiidka ee ku dhaw Guriga Hooyooyinka ka dhacay qarax ismidaamin ah kaasi oo la sheegayo inay ku soo qaadeen nawaaxigaasi dad miineysan,waxaana wararku shaacinayaan in qaraxaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayen ilaa 2 qarax oo mid ka mid ah uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha oo la soo dhigay barxada lagu dhigto baabuurka ee isgaashatooyinka gaadiidka halka qarxa kale lala beegsaday dadkii ku soo xoomay goobta uu qaraxa ka dhacay waxana is qarxiyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale wararka qaarkood ayaa sheegaya in la arkayey maydad ka badan 10 ruux kuwaasi oo meesha daadsan,waxaana la sheegaya in dadkaasi ay u badan yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan isla markaasna qaarkood ku wajahnayeen goobahooda ganacsiga,waxaana  la sheegaya in tiro kale oo badan ku ku dhaawacmeen.

Goob jooge ku sugan goobta qaraxu ka dhacay ayaa u sheegay Allgalgaduud inuu indhihiisa ku arkay maydad badan isla markasna ay gaadiidka gurmadka ay iyo kuwa ciidamada dawladu degaankaasi ku sii socdaan isla markaasna dadka shacabka ahi halkaas ay ka fogaadeen.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com