Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Kulul U Cambaareeyay Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

XASAN SHEEKHMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 10-ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad labaatan kale.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa qaraxaas lagu eedeeyay inay ka dambeysay Al-Shabaab, kadib gaari ku qarxay goob baabuurta la dhigto oo ku taal barxada iskaashatada gaadiidka oo ku dhow maqaaxida The Village iyo qof isa soo miidaamiyay oo isku dhex qarxiyay goob dad ku xoonsanaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay Shirweynaha guud ee xal u helida Xagjirnimada ayaa ugu horeyn uga tacsiyeeyay ehelada dadka ku waxyeeloobay qaraxii maanta lala beegsaday baarkaasi oo ay dadka ku badnaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-Shabaab mar walba ku mar mar siiyaan inay la dagaalamayaan ciidamada dalka jooga iyo dowladda Soomaaliya, hase ahaatee taas ay ku been sheeganayaan, oo ay doonayaan inay dadka Soomaaliyed xasuuqaan.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay la dagaalamaan Kooxdaasi caadeysatay leynta iyo dabargoynta umadda Soomaaliyeed dad ahaan, dhaqaalo ahaan, aqoon ahaan, waan ka badanahay kooxdaasi hadana waxaa muhiim ah in aan meel uga wada soo jeesano oo aan bad baadino umadeena dibaatooyinka la daalaa dhacaya” ayuu yiri Madaweynaha Soomaaliya.

Laba qarax is xig xigay ayaa maanta barqanimadii nawaaxiga The Village oo ku taal Gurigii Hooyooyinka degmada Xamar weyne, iyadoo qaraxaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14-ruux oo u badnaa dad rayid ah.

Sanad ka hor ayay aheyd markii qaraxyo sidan oo kale uga dhaceen Maqaaxida The Village ee Guriga Hooyooyinka, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 20-ruux oo wariyeyaal ku jireen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com