Danjire Maxamed Salax Annadif Oo Cambaareysay Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Mahamat-Saleh-AnnadifMuqdisho (AGGM): Ergayga gaarka ah ee Ururka Midowga Africa u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya  Ambassador Maxamed  Salax  Annadif ayaa cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay barxadda iskaashatooyinka oo u dhow baar The Village halkaasi oo ah meel Baabuurta ay dhigtaan dadka,  gaar ahaan kuwa ka cunteynaya baarkaasi.

Maxamed  Salax  Annadif ayaa waxaa uu sheegay marka ay maqleyn arrinka la xiriira qaraxa in ay aad ugu naxeen dadkii ku wax yeeloobay dhibaatadaasi,  waxaana tacsi uu udiray eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday mashaqada maanta ay geesteen Kooxda Aragagixisada ee Al Shabaab,  waxaa uu u rajeeyay dadkii kale ee ku dhaawacmay in ay bogsadaan.

Qof kasta  oo Soomaali ah markii uu maqlay dhibaatada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ay ku reebtay dareen naxdin leh  maadaama ay dhibaato ka soo gaartay dad Soomaali ah,  oo aan waxba  galabsan kuwaasi oo si ku talo gal ah ay u dhibaateeyeen Kooxda Qaran-diidka ah ee Al Shabaab,  inkastoo magaalada Muqdisho waayihii ugu danbeeyay ay eheyd mid Xasiloon, ka dib markii Hey’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya ay xil iska saareen sugida amaanka oo ay u baahanyihiin dadka Soomaaliyeed.

—DHAMAAD—-

Isha Ku Hya Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com