Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Xukuumaddiisa Ay Ahmiyad Siineyso Horumarinta Dhallinyarada.

0

M-siilaanyo-000Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay hadafka maamulkiisa ee ku aaddan dhallinyarada.

Siilaanyo ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay in la dhiirri-geliyo dhallinyarada, si uu u wanaagsanaado mustaqbalka jiilka cusub.

Waxa uu xusay inay sii wadi doonaan horumarinta dhanka waxbarashada, si dhallinyaradu ay u noqdaan kuwa anfaca waddanka.

Waxa uu ka digay in dhallinyarada wax baratay ay ku dhaqaaqaan falalka u horseedi karo in ay lumiyaan mustaqbalkooda, sida in ay naftooda ku biimeeyaan tahriibka iyo ka qeyb qaadashada rabshadaha hubeysan iyo gacan ka hadalka.

Hadalka ayuu ka sheegay khudbo uu shalay ka jeedinayay munaasabad qalin-jebin ah oo magaalada Hargeysa loogu qabtay arday wax ka barata jaamacadda ADMAS ee dalka Itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com