Jaamac Cali Jaamac "Soomaaliya Waxaa Faragalin Ba'an Ku Haya Dowladdaha Deriska Ah".

0

jaamac cali jaamacMuqdisho (AGGM): Siyaasi Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegay in dowladaha deriska la ah Soomaaliya ay fara galin ba’an ku hayaan Siyaasadda gudaha ee Soomaaliya gaar ahaan Dastuurka ku meelgaarka ah ee lagu muran san yahay oo uu sheegay iney ku lug leeyihiin.

Jaamac Cali Jaamac oo khudbad ka jeedinayey shir weynaha ka tashiga aayaha Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016ka ayaa shaaca ka qaaday in wadamada deriska la ah Soomaaliya iney qas ka wadaan dalka isla markaane ay saaayn weyn ku leeyihiin Dastuurka Kueelgaarka ah ee Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegay iney wadamada derisku doonayaan in Dastuurka lagu milo qodobo ay ku dheehan yihiin danaha gaarka ah ee ay ka leeyihiin Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,wuxuuna tibaaxay iney xusul duub ugu jiraan sidii ay Dastuurka Soomaaliya saamayn ugu yeelan lahaayeen.

Dhanka kale Jaamac Cali Jaamac ayaa ayaa kula taliyey dowladda federaalka Soomaaliya iney wadahadal la furto maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inuu xiriirka u jartay dowladda federaalka Soomaaliya ,wuxuuna sheegay iney haboon tahay in dowladdu ay Puntland ka qanciso waxyaabaha ay tabanayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com