Falaagada Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyadi Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

alshababMuqdisho (AGGM): Falaagada Arxanka Daran ee Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo xalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal ay al-Shabaab soo dhigtay boggeeda Twitter ayay ku sheegtay in ciidamadeeda ay xalay Muqdisho ka fuliyeen wax ay ugu yeereen howlgallo culus.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay qaraxyo afar ah oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa la sheegay in lala beegsaday qaar ka mid ah xarumaha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka hay’adaha nabadgelyada iyo amniga qaranka Gen. Maxamed Yuusuf Cumar (Maddaale) oo xalay la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen wax uu ugu yeeray waxyaabo horey ay u sameyn jireen kooxaha nabad diidka ah.

Waxa uu xusay Gen. Maddaale in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxyadii xalay, isla markaana ay ku dhaceen goobo bannaan ah.

In kastoo Muqdisho laga saaray al-Shabaab, haddana waxaa jira weerarro gaadmo iyo qaraxyo ay ka fulineyso goobaha qaar ee ay dowladduu maamusho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com