Dhageyso: Maamulka Gobolka Banadir Oo Sheegey Inay Cod Ka Duubeen Qofkii Is Qarxiyey

0

afhayeenka-gobolka-BanaadirMuqdisho(AGGM) Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ku guuleysatey inay cod ka duubto qofkii xalay isku qarxiyey Magaalada Muqdisho,waxaana xukumadu shaacisay in qofkaasi codka laga duubay intii uu dhaawaca ahaa,waxaana Maamulka Gobolka Banadir sheegeen in talaabadaasi tahay mid wanaagsan laguna guuleystey in codkiisa la helo qofkaasi.

Maxamed Yusuf Cismaan oo ah afhayeenka Maamulka Gobolka Banadir ayaa sheegay in qofkaasi codkisa la hayo isagoo ka hadlaya hawlaha uu ku dhex jirey iyo meesha wax u marayaan intii uu dhaawaca ahaa,waxaana Maamulku sheegeen in ninkaasi laga hayo cod sir ah isla markaasna ku aadan hawlaha uu faraha ku jirey.

Sidoo kale Maxamed Yuusuf Cismaan waxaa uu shaaca ka qaaday in la hayo codka sirta ah isla markaasna lagu guuleystey in la ogaado ujeedka ka dambeeya inuu qofkaasi is qarxiyo isla markaasna la ogaado cidda qaraxaasi u soo dhiibtey,waxaana maamulku sheegeen in talabadaasi tahay mid wax badan fashishay.

Ugu dambeyntii Maamulka gobolka Banadir sheegeen in ninkaasi codkiisi la hayo isla markaasna laga duubay intii uusan geeriyoon,waxaana maamulku sheegeen in maclumaad badan laga hayo ninkaasi

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-AFHAYEENKA-GOBALKA-BANAADIR-MAXAMED-YUUSUF-CISMAAN.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com