Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Gaaray Beled-Xaawo.

0

baarlamaanka2_large2Beled Xaawo (AGGM): Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Xildhibaannada kala ah Cabdirashiid Xaaji Deerow iyo Cabdifataax Nuur Mataan ayaa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay magalaada Beled-Xaawo.

Cabdirashiid ayaa saxaafadda u sheegay in ujeeddada socdaalkoodu ay la xiriirto u kuurgelidda xaaladaha amniga iyo nolosha dadweynaha ku dhaqan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

Xildhibaannada ayaa waxay kulan la yeesheen maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda degmada Beled-Xaawo.

Waa markii ugu horreysay oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay booqdaan degmada Beled-Xaawo tan iyo markii uu dalka ka baxay nidaamkii KMG ahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com