Wafdigi Balaarnaa Ee Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Soo Laabtay Magaalada Muqdisho.

0

xasan sheekh safarMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii shalay booqasho ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa dib ugu laabtay magaalada, waxaana magaalada Marka ka soo qaaday madaxweynaha iyo wafdigiisa diyaarad Helicopter ah.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ahaa wasiirrka arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed, wasiirrka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xalay ku hooyday magaalada Marka ayaa halkaa kulamo kala duwan kula qaatay waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo ay ka wada hadlleen arrimaha amaanka gobolka iyo haddii ay jiraan dhibaatooyin ka taagan deegaannada gobolka oo la xiriira dhinaca nolasha.

Kooxda Al-shabaab ayaa maalintii shalay sheegtay in ay weerar ku qaadeen gadiid uu la socday madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud oo ku safrayay wadada isku xirta magaalada Marka iyo deegaannka Buufoow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Hasse ahaatee madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta waxaa looga soo qaaday Marka diyaarad kuwa qumaatiga ku kaca ah oo ka soo dajisay magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com