Faroole Oo Sharuud Ku Xiray In Uu Wada Hadal La Galo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

faroole1Addis Ababa (AGGM): Kadib kulan magaalada Addis Ababa uu kula yeeshay madaxweyne C/raxmaan Faroole Wasiirrka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya ayaa lagu waramayaa in Faroole uu sharuud ku xiray wada hadal uu la galo dowladda federaalka.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ay wada hadalli karaan oo kaliya mas’uuliyiinta dowladda kadib marka qodobada wax ka badalka lagu sameeyay oo ka tirsan dastuurka sidiisii hore lagu soo celiyo.

“In dib loogu soo celiyo qodobada aan sheegnay in laga bedelay Dastuurka ma’ahanee wax kale oo jira malahan si kalena Dowladda wadahadal ula geli mayno”ayuu yiri Faroole.

Maamul gobolleedka Puntland iyo dowladda dhexe ee federaalka ayaa waxaa soo kala dhax-gallay khilaaf xoogan oo dhinaca siyaasada ah, kadib markii maamul gobolleedka Puntland uu ku eedeeyay mas’uuliyiinta dowladda in ay wax ka badal ku sameeyeen dastuurkii lagu hishiiyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Cismaan Jawaari, ayaa horay u sheegay in dastuurka Soomaaliya aan waxba laga badalin,hadii wax laga bedelayana go’aankaasi ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland  C/raxmaan Faroole ayaa maalinkii labad ku sugan xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa kadib markii isaga iyo waftigii la socdey ay shaley halkaa gaareen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com