Dhageyso: Dawladda Soomaaliya Oo Qiratey In Madaxweynaha La Wareeray

0

xasan1Muqdisho(AGGM) Col. Cismaan Cali Saalax (Qul-qul) oo kamid ah saraakiisha dowladda Federalka ah ayaa ka hadlay weerarkii cuslaa ee ay shalay kooxda Alshabaab ku qaadeen kolonyadii Galbineysay Xassan Shiikh. Qul-qul ayaa sheegay in weerarkaasi kamid yahay dhacdooyinka caadiga ah ee dalka ka dhaca. Wuxuu tusaale usoo qaatay weerarada waaweyn ee ay Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho oo ay halka ay ku badan yihiin Ciidamada Amisom.

Qul-qul ayaa intaa ku daray marba haddii ay Alshabaab ku firfircoon yihiin caasimadda inaaney wax la yaab ah lahayn in madaxweynaha lagu galo Shabeelaha hoose. Sidoo kale sarkaalkan ayaa eedeeyay ciidamada Amisom ee dhaqaalaha faraha badan ku qaata ilaalinta dowladda Federalka ah.

Halkan Ka Dhageyso

[ca_audio url=”http://radioalfurqaan.com/wp-content/uploads/2013/09/Col-qulqul.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com