Warsaxafadeed: Ma Jiro Wax Weerar Ah Oo Madaxweynaha Weftigisa Lagu Qaaday

0

DSC05451Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan, Wasiiradda, Cadaaladda , Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Taliyayaasha Ciidamadda Xooga iyo Nabad Sugidda ayaa maanta gaaray magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Madaxweynaha oo saaka safar dhulka kaga baxay magaaladda Muqdisho ayaa ku hakadey degaanka No 50 halkaasi uu kula hadlay boqlaal qof oo ka tirsan dadka degaanka islamar-kaana ka dhageystay tallooyinka ay u soo jeediyeen duqeyda degaanka ka dibna halkaasi safarkii dhulka ahaa ka sii watay.

Waxaa magaaladda Marka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh , Maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo kan Degmadda Marka , Saraakiisha ciidamadda iyo Shacabka magaaladda .

Ujeedda Safarka Madaxweynahu ee magaaladda Marka iyo degaanadda kale ayaa ah baahinta nidaamka Dowladnimo ee goboladda dalka , dib-uheshisiinta, la tasshiyada bulshadda Shirweynahayaasha Qaran ee ka socda Muqdisho, Shirka 16 September Burgles iyo aragtida fog ee Dowladda ee ah in doorashooyin dhacaan 2016.

“Ma jirto haba-yaraatee wax carqalad ah ee uu la kulmay Madaxweynaha iyo wafdiga , waan la soconaa Kooxaha nabad diidka wax-yaalaha ay baahiyeen laakin xaqiiqdu waxey tahay in si nabad ah Madaxweynahu uu ku gaaray Marka” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow.

Dhamaad

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com