Wada-Tashiga Barnaamijka Higsiga Cusub “New Deal” Oo Ka Furmay Muqdisho, War-saxaafadeed

0

1237175_624870787533573_122449085_nMuqdisho(AGGM) Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya mudane Abuukar Shiikh Cabdi Ibraahim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Higsiga Cusub “ New Deal” oo socon doona saddex maalmood. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaano iyo ururada bulshada rayidka ah.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda iyo qorshaynta qaranka ayaa ka war-bixiyey hawlaha barnaamijka Hiigsiga Cusub, isagoo sheegay in shirar wada-tashi ah horey looga sameeyey magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Gaalkacayo,Baydhabo iyo Garoowe.

“ Ujeedada barnaamijka Hiigsiga Cusub waxa weeye in la helo talo midaysan oo lagu dhisayo dalka.Hiigsiga Cusub waxaa horey u adeegsaday dalal badan ,innaguna taasi baan daba taaganahay waxaan rajaynayaa in aan dhibaatadda kaga baxno ” sidaasi ayuu yiri Wasiir Abuukar.

Barnaamijka Higsiga Cusub oo ah aragti qaran oo midaysan, ayaa xoogga saaraya dhinacyada ay ka mid yihiin siyaasadda, nabadgelyada, caddaaladda,dhaqaalaha, ururinta canshuuraha iyo adeegga bulshada.

Xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah oo ka hadlay furitaanka shirkan wada-tashiga ah ayaa soo dhoweeyey barnaamijka Higsiga Cusub,waxaana ay tilmaameen in barnaamijkan uu wax badan ka tarayo marxaladda uu marayo dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa barnaamijka Hiigsiga Cusub diyaarinaysay in mudo ah si qorshe midaysan oo ay bulshadu ku leedahay talooyin loo geeyo shirka 16-ka Sabteembar ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa ah in dalalka nugul ee dagaalada ka soo baxaya la siiyo dhaqaale toos ah, waxaana dowlada Soomaaliya yeelanaysaa soo jeedinta qorshaha lagu taageerayo iyo fulintiisa. Higsiga cusub ayaa markii ugu horaysay lagu go’aamiyey shir lagu qabtay magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya dhamaadkii 2011-kii, waxaana ujeedadu ahayd in kor loo qaado waxtarka kaalmada la siiyo dalalka nugul.

DHAMAAD