Maamulka Dowladda Ee Gobolka Galgaduud Oo Codsi U Diray Hay’adaha Samafalka.

0

CIRFOCaabudwaaq (AGGM): Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka caalamiga iyo kuwa kale in ay tagaan gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gobolka Galgaduud ay ku sugan yihiin dad badan oo barakacayaal ah, isla markaana loo baahan yahay in dadkaasi ay helaan gargaarka hay’adaha samafalka.

Cirfo ayaa intaas ku daray in dadka gobolku ay u baahan yihiin in laga caawiyo dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah noloshada aadamiga.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu socdaal ku marayaa deegaannada gobolka Galgaduud, isaga oo kulamo la yeelanaya bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com