Ergada Shirweynaha Qaran ee Siyaasadda Soomaaliya oo Bilaabay ka Doodista Qodobada Hor Yaala

0

1175178_624870954200223_1199568740_nMuqdisho(AGGM) Ergada ka qeyb-galeysa shirweynaha Qaran ee Siyaasadda Soomaaliya  iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee shirka ku sugan ayaa u gudbay doodaha loo qorsheeyey shirka, iyadoo ay si xiiso leh u socodaan doodaha ku aaddan dib u eegista Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Doodda ugu ballaaran ee maalintii labaad shirweynaha waxaa ka qeyb-galaya, oo su’aallo lagu weydiinayaa  Xildhibaanno, Wasiir ku xiggeenka Warfaafinta, Cabdi Shakuur Cali Mire, Siyaasiin kala duwan oo gobollada dalka iyo dibedda isaga kala yimid aqoonyahanno, iyo Culimad’udiin.

Ergada ayaa marka hore dhageysaneysa khubadaha khubarro horey uga soo shaqeysay Dastuurka KMG ee Soomaaliya sameyntiisa, aqoonyahannada doodda ka qeyb-galeysa ayaa ergada shirka u jeediyey in ay taageeraan dib u eegista iyo horumarinta Dastuurka Soomaaliya ee la doonayo in KMG-gaarnimada laga saaro.

Su’aallaha ka qeyb-galayaasha ayaa waxaa ka soo dhexbaya tallooyin, kuwaas oo ay Qoraallo ku sameynayaa koox howshaasi loo xilsaaray, waxaayaba xiisa leh ayaa waxaa ka mid ah ee doodda ku jira, sida Dastuurka Soomaaliya uu saldhigga ugu yahay Diinta Islaamka.

Qodobbada Shirweynaha looga hadlayo dhammaantiis.

1-Horumarinta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, dib u eegista Dastuurka, indha indheyn iyo meelmarintiisa.

2-Dib u habeynta Hay’adaha dowladda, Hufnaan iyo hagaajinta maamulka.

3- Guddiga Doorashooyinka madaxa bannaan iyo qaab sharciyeedkii asxaabta siyaasadda.

4-Qaababka Federaalka Awoodda iyo qeysiga kheyraadka

5-Baahinta Siyaasadda, ka qeyb-galka shacbiga, dhaqangalinta, dib u heshiisiinta iyo kobcinta Cadaaladda.

Qodobbadan shanta ah   marka laga doodo ayaa falanqeyn lagu sameynayaa talooyinka ka soo baxay

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com