Daawo: Somalida Malalaysia Ku Nool Oo Ay Sameen Ku Yeelatay Raafka Ka Dhanka Ah Ajaaniibta Sharci La’anta Ah.

0

dddKuala lumpurTiro dhalinyaro iyo odayaal somaliyeed ayaa habeenkii labaad ku hooyana xabsi ka mid ah xabsiyada dalka Malaysia, ka gadaal markii ay la kulmeen xilli raaf ka dhan ah ajaanibta bilaa sharciga ku jooga dalka Malaysia ay sameenayeen qaar ka mid ah ciidamada poliska oo ay cawinayaan ciidamo loo yaqaa Rela Army.

Xafadaha ay somalida ugu badan ku nooshahay ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ku soo noqnoqanayay ciidamadan sida gaarka ah u ugaarsanaya ajaanibta aan sharciga lahayn ee dalkan iskaga nool.

Xafadaha Ay Somalidu Ku Badan tahay sida edman sutra, taman melati iyo qaar kale ayaa cawa fiidnimadii waxaa lagu arkayay ciidamo fara badan iyo weliba gaariga shabaqlaha ee ay isticmalan ciidamada poliska ah, si dadka bilaa sharciga ah logu ururiyo, waloow qofkii sharci heesto ama ogolansho rasmi ah aysan sameen ku yeelan doonin howgalada socda.

Inta la hubo in ka badan dhowr iyo toban Somali ah ayaa weli xabsiyada ku jira, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgalkaan qorsheysnaa ee ka dhanka ahaa ajaaniibta sharciyada ay ka dhaceen ee bilaa sharciga wadanka ku nool.

Safarada ay xukumada Somaliya ku leedahay dalkaan Malaysia ayaan ilaa hada arintaas ka hadal, wax dhaqdhaqaaq ahna ka muujin waloow wadanka uu ku jiro fasaxa maalinta xoriyada, oo guud ahaan dalka uu fasax wada galo.

Raafkan ka dhanka ah ajaanibta ayaa ku soo aadaya maalin ka dib dabaal degii 56-guuradii ka soo wareegatay maalinta xoriyada dalka Malaysia oo ku beegneed 31 August, wuxuuna raafka si toos u bilaabmay 1 sept, lamana oga xilliga sida rasmiga ah loo joojin doono.

BERSIH 2.0 / MASJID JAMEK ddd download

Mohamed Abdirahman Ismail “Timo”
kuala lumpur – Malaysia
Mahamed09@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com