Daawo Sawirada: Xukuumada Soomaaliya oo Heshiis kula Saxiixatay Jeddah Bankiga Islaamka:-War-saxaafadeed

0

IMG_0091Jeddah(AGGM) Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo ku sugan magaaladda Jidah ee Boqortooyadda Sucuudiga ayaa maanta waxaa uu heshiisyo la gaaray Bankiga Islaamka oo fadhigiisu yahay magaaladda Jidah ee boqortooyadda Dalka Sucuudiga.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Bankiga Islaamka waxaa Soomaaliya u matalayay Wasiiru Dawlaha Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal, halka Bankiga Islaamkana uu u saxiixay Dr. Axmed Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Bankiga Islaamka.

Heshiiska is-afgaradka guud ee labadda dhinac ay kala saxiixdeen ayaa socon doonaa  ilaa 2020, kaas oo wax looga qaban doono hormarinta gobolada dalka Soomaaliya ee abaaruhu ay ku dhaceen, dib usoo noolaynta hay’adaha Dawladda iyo tababaro joogta ah oo loo samayn doono shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Soomaaliya. Sidoo kale heshiiskani waxaa uu qabyb ka ah in Bankiga islaamku uu ka shaqeeyo ururinta lacagaha kaalmadda ee Dawladaha Islaamku ay ugu tala galeen Soomaaliya, fududaynta heshiisyadda iyo adeegyadda daymaha.

Dhanka kale waxaa labadda dhican ay isku afgarteen Dawladda Soomaaliya iyo Bankiga Islaamka  $ 32 Miliyan oo Doolar oo ah mashruuc dag dag ah oo lagu fulin doono, Adeegyadda Caafimaadka, Waxbarashada, Goboladda ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen iyo Biyaha.

“Waxaan uga mahad-naqaynaa Bankiga Islaamka mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya uu ka fulinayo  iyo iskaashiga joogtada noqon doona ee maanta aan isku af-garannay kadib muddo dheer oo Bankigu uu xayiray kaalmooyinkii Soomaaliya, Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii ay kusoo kaban lahayd.” Ayuu yiri Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

Gudoomiyaha Bankiga Islaamka  Dr.Axmed Maxamed Cali oo kulan gaar ah kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha Qasriga Martida ee Boqortooyadda ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Bankiga islaamku uu yahay mid soo jireen ah , dib loo fasaxyo kaalmooyinka maadaama Soomaaliya ayu kusoo noqotay xasilooni 22 sano kadib , waxaana uu balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka dhismaha dalka iyo horumarinta mashaariicda kale ee horumarineed.

IMG_0091

IMG_0089 IMG_0087 IMG_0086 IMG_0084

heshiis1 September 2, 2013 IMG_0101 IMG_0100 IMG_0099

Ridwaan Haji Abdiwali,
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Jeddah, Saudia Arabia

Isha Ku Hay Algalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com