War Deg Deg Ah: Guriga Col. Cabdulaahi Coloow Ee Magaalada Kismaayo Oo Caawa Lagala Baxay 8 Nin.

0

breaking-news4Kismaayo(AGGM)Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay iminka u dhaceen guriga Col. C/llaahi Coloow oo ahaa taliyihi guutada 1 aad ee ciidamada Dowladda Soomaaliya halkaa oo ay ka ka xeysteen 8 nin.

8 Nin ee dhalinyarada ah ee lagala baxay guriga Gashaanle Sare Cabdulaahi Colow ayaa la sheegaya in 3 ka mid ahi ahayeen ilaalada gaarka ah ee Col. Yaasiin Nuur Gaas ” Yaasiin Radeer ” oo ka mid ahaa Hogaamiyeyaashii Jabhadda Raskambooni,waxaana la sheegaya in 5-ta kale ay ahayeen ilaalada gaarka ah ee Col. Cabdulaahi Colow.

Jabhadda Raaskambooni oo weerarka caawa gurigaas ku qaaday ayaa la sheegayaa inay ka xaysteen raggaasi isla markaasna aan la aqoon meesha ay ula kaceen,waxaana la sheegayaa in Maleeshiyaadka Raaskambooni markii ay raggaasi qabsanayeen ay ku sugnaayeen guriga Col. C/laahi Coloow,waxaana la sheegayaa in jirdil qaarkood loo geystey.

Col C/llaahi Coloow ayaa marki falkan uu dhacayay ku sugnaa Hotel ku yaala magaalada Kismaayo halkaas oo hadda ilaalo looga hayo.

Waxaana la sheegayaa in xaalada Magaalada Kismaayo caawa tahay mid kacsan isla markaasna arrintan dhacday xasaasiyad kicisay,waxaana wararka qaarkood sheegayaa in rasaas teel teel ah laga maqlayo gudaha Magaalada Kismaayo.

Kooxda Raggan kaxeystey ayaa la sheegaya inay yihiin Ilaalada gaarka ah Axmed Madoobe, waxaana la xaqiijinayaa inay ragga la watey loola dhaqaaqay Banaanka Magaalada Kismaayo gaar ahaan dhinac Jaamacadda kismaayo oo ay fariisimo ciidan ku leeyihiin Jabhadda Raaskambooni.

Si kastey ahaataba waxaa talaabadan qayb ka tahay weerarada Maleeshiyaadka raaskambooni ku qaadaan guryaha shacabka iyagoo maalmihi la soo dhaafay dad shacab ah oo ay kala baxeen guryahooda ku dileen xeebta kismaayo iyadoo qaarkood la sheegay inay gawraceen balse waxaan la ogeyn qaabka ay ula dhaqmi doonaan nimanka ay caawa ka wateen guriga Col Cabdulaahi Collow.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com