Taliyaha Ciidamada Burundi Oo Muqdisho Yimid Kulamana La qaatay Madaxda Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Taliyaha Ciidamada Dalka Brundi ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho kasoo kulamo laqaatay madaxda ugu sareysa dalka ugu Horeyo madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha amniga qaranka iyo waliba wasiirka arimaha dibada ee soomaaliya.

Niyongabo Prime ayaa socdaalkiisa ku imaaday magaalada muqdisho lagu sheegay ukuur gelid Ciidamada kajooga gudaha dalka soomaaliya asagoo maalmahan kusugnaan doono magaalada muqdisho waxaana lashegay in madaxda kawada hadleyn arimo farbadan ciidamada iyo waliba amaanka dalka soomaaliya.

Kulanka ayaa lasheegay in waqti badan qaatay labada dhinac asagoo madaxweynaha u mahad celiye taliyaha ciidamada sida ugarab istaageyn ciidamadooda waxaana sheegay in wax badan ay kaqabteen soo celinta amaanka soomaaliya.

Sido kale Taliyaha Ciidamada dalka Burundi ayaa kulan laqaatay Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe)kasoo kawada hadlayn howl galada Ciidamada Amisom ay qeybta kayihin kuwa Burindi waxaana lasheegay si weyn iskula fahmeyn waxyaabihii iskula soo qadayn labada masuul.

Ma ahan markii ugu horreysay oo taliyaha guud ee ciidamada dalka Burundi uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, iyadoo booqashadan ay ahayd markii saddexaad oo uu yimaado Muqdisho, iyadoo dalka Burundi ay dhowr jeer oo hore sheegeen inaysan ka baxayn Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com