Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka Reer Puntland Waa Dadki Horseeday Dimuqraadiyada, Waana Dadki Dowladdi Diktetorka La Dagaalamay”.

0

madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambalaMuqdisho (AGGM):Madaxweynaha DF Soomaaliya mar uu shalay uu bahda saxaafda ugu waramayay go’aanka mamaulka Puntland ee ay xiriirka kala laabatay dowaldda Somaaliya ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay u soo dagaalantay xoriyadi dalka iyo dimuqraadiyada iyo la dagaalanki Dictatorka isagoo ku sugan magaalada  Muqdisho.

Madaxweeynaha ayaa waxa uu hadalkisaas muujinayaa in qabiilana uu aamaano sii uu ugu qanciyo waxay doonayaan  islamarkaana qabiilo kale iyo mas’uuliyiintoodana uu u gafo kuna tilmaamo Diktetaro.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu iclaamay dagaal uu kula jiro beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed, isagoo qancinaya beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Arrintaan ayaa waxaa ay horseedaysaa in Madaxweyne Xasan Sheekh  iyo dowladdiisa ay ku waayaan dad badan islamarkaana ay kalsoonidana kala laabtaan, maadama uu mar walba Madaxweynuhu u meel dayin hadalada kasoo baxaya afkiisa, arrintan ayaa waxa ay muujineeysaa in (Dowladda Xasan Sheekh mucaarad aysan u baahneen balse iyadu ay isugu filan tahay Mucaarad inay kasbato.

Isku soo wada duuboo hadalkan ka soo yeeray Madaxweeyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ahayn kii ugu horeeyay ee uu ugu gafayo Dowladdi Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Allaha U Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_020.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com